Similar Jobs

Posted: 20 November 2020
Location: Mogadishu, Somalia
235 Views

Madoonaysaa Inaad Shaqo Wanagsan Heshid ama Adigu aad Abuuratid Ganacsi?

Posted: 20 November 2020
Deadline Category Location Employment Experience Education Salary Employer
10 December 2020 Education & Training Mogadishu, Somalia Courses SOS Children’s Village Somalia
Application,Email or url : jama.abdiweli@hornafricajobs.com
Contact name :
About Company :

 

Madoonaysaa Inaad Shaqo Wanagsan Heshid ama Adigu aad Abuuratid Ganacsi?

SOS Children’s Village Somalia waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada, daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.

SOS waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaayo awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeen.

SOS waxa ay sara u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhalinyaradda waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda. SOS Childrens’ Village Somaila, sidoo kale waxa ay magaalada Muqdisho ka fulinaysaa barnaamij loogu magac daray “Next Economy” oo ah barnaamij shaqo abuur iyo shaqo raadis oo lagu tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin misna dhameesatay heerarka wax barasho sida, Jaamacadaha,  Dugsiyadda farsamada gacanta & dugsiyadda sare.

Hay’daha SOS Children’s Village Somalia, 1% Club, SOS Children’s Village Netherlands waxa ay si wada jir ah u fulinayaan mashruuca Next Economy iyaga oo tababaro siinaaya dhalinyaradda caqabaduhu ka heystaan in ay ku xirmaan suuqyada shaqada ama u baahan in laga caawiyo si ay shaqo fiican u helaan ama ay u bilaaban lahaayeen ganacsigooda gaarka ah.

Hay’adaha SOS Children’s Village Somalia, 1% Club, SOS Children’s Village Netherlands  waxa ay ku wargelinayaan dhammaan dhalinyaradda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradda ku nool Magaalada Muqdisho in uu billaabanaayo qaadashada dufcadii 2aad ee mashruuca Next Economy II oo dhalinyaradda ka taageeridoona dhinacyada shaqo abuurka  iyaga oo qaadandoona tababaro kala duwan muddo seddex biilood ah, Tababaradaas oo  ku saabsan;

  • Sida loo raadiyo loona helo shaqo wanaagsan (Shirkadaha ganacisga, dawlada, hayadaha maxaliga, iyo hayadaha caalamiga).
  • Sida loo Samaysto/ abuurto Ganacsi

Mashuurca “NextEconomy” oo soo bilowday 2016-kii ilaa iyo Hada  waxaa ka faa’idaystay  dhalinyaro isugu jira Gabdho iyo Wiilal oo tiro ahaan gaaraaya 800 oo Qof. Sannadkan 2020 waxaa la qaadanayaa dufcadii labaad (Batch 2) oo tiro ahaan gaaraaya 121 (gabdho iyo Wiilal isugu jira).

Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada soo codsanaysa.

  • Da’da: 18 – 35 Sanno
  • Heerka Waxbarasho: 
  • Dhigta ama dhameystay jaamacad
  • Dugsi H/DH- dhamaystay
  • Dugsi farsamada gacanta–Ku jira/ dhamaystay
  • Waa inuu yahay qof u heelan inuu shaqo helo ama uu abuurto isagu
  • Waa inuu yahay qof ka bad qaba noocyada kaladuwan ee balwadda

Haddii aad danaynayso fursadaan, fadlan raac linkgan:

https://next-economy.com/en/pages/registration-form-somalia?fbclid=IwAR1nzw9bAm6k-eycdPHr2MwiVwjfz6Ufdv3jeIP_KFJKSRmrtYVAsNoClcX 

QABASHADA CODSIYADA WAXEYKU EGTAHAY 10 DECEMBER 2020

Wixii faahfaahin intaasi dheer fadlan Booqo Website: www.next-economy.com ama kalasoo

xiriir: +252617733773

FG. Fadlan qofkii horey ugasoo qeybqaatay trainingkan yuusan dib usoo codsan

0